Berrito oo ku beegan Sabti; (6 July, 2024) waxaa ka bilaabanaya xarunta jaamacadda -haddii Rabbi idmo- fadhiyada soo-jeedinta iyo difaacshada buugga qalin-jebinta, halkaas oo ay ku soo bandhigi doonaan mashaariicdooda qalin-jebinta ardayda isu diyaarinaysa in ay sannad waxbarasheedkan (2023-2024)
ka qalinbaddashaan kulliyadaha iyo waaxyaha kala duwan ee Jaamacadda Bariga Afrika Gaalkacyo.
Waxaan u rajaynaynaa guul dhammaan ardayda soo-jeedin doonta mashaariicdooda qalin-jebinta todobaadkan.